Madaxweynaha oo Tacsi u diray shacbiga Somaliland iyo eheladii uu ka baxay Marxuum Eng. Axmed Cumar Xasan Guuleed oo Hargeysa ku geeriyooday

0
554
TACSI MADAXWEYNE: 10/09/2020
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Eng. Axmed Cumar Xasan Guuleed oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu tahay 10/09/2020 caasimada Somaliland ee Hargeysa. Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi dhammaan qoyska reer Cumar Xasan Guuleed.
 
 
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
 
 
 
ALLAA MAHAD LEH
 
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.