Madaxweynaha Qaranka oo shacbiga iyo Eheladii uu ka baxay Marxuum Chief Caaqil Aw Aadan Cabdilaahi Cali Ka tacsiyadeeyey 

0
348

TACSI MADAXWEYNE: 16/02/2022

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Chief Caaqil Aw Aadan Cabdilaahi Cali oo ku geeriyooday shalay galab oo ay taariikhdu ahayd 15/02/2022, caasimada Somaliland ee Hargeysa.

 

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey oday dhaqameed ka baxay dalka iyo dadka, doormuhiimana ku lahaa nabadayntii iyo dib-u-dhiskii Jamhuuriyadda Somaliland,

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

 

 Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.