Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu Hoggaaminayo Oo Lagu Soo Dhaweeyey Degmada Sheekh Soona Gaadhay Magaalada Berbera + Sawiro

0
760

Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu Hoggaaminayo Oo Lagu Soo Dhaweeyey Degmada Sheekh Soona Gaadhay Magaalada Berbera

Sheekh-29-11-2018(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti balladhan oo uu hoggaaminayo oo maalmahan safar shaqo ku marayey gobollada Bari ee dalka, ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyey degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil ido deegaamada u dhexeeya Burco.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo ku gudo jira safarkooda shaqo ee loogu kuurgeliyo xaaladda gobollada bariga iyo habsami-u-socodka hawlaha deegaannadaas ka socda oo maalintiisii 12-aad (laba iyo tobnaad) galay, ayey bulshada ku dhaqan degmada Sheekh ee gobolka Saaxil ku qaabileen dhinaca Bari ee magaalada, waxana ay u galbiyeen madal bilicsan loo asteeyey in shacabka lagala hadlo oo isla gudaha magaalada ku taalla, waxana halkaas laga jeediyey hadallo mahadnaq iyo dardaarn isugu jira.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil, Eng. Axmed Cismaan Xasan, Maayarka degmada Sheekh Ibraahim Cabdilaahi Cabsiiye Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka tirsan golaha wakiillada, xildhibaan Khadiija Xuseen Xaaji Xasan oo ka tirsan golaha deegaanka ee degmada Sheekh, xildhibaan Rashiid Aw Xasan Xaaji Aadan oo ka tirsan golaha deegaanka ee Berbera ayaa ka hadlay madasha madaxweynaha iyo weftigiisa lagu soo dhaweynayey, ayaa si isku mid ah shacabka degmada Sheekh ugu bogaadiyey soo dhaweynta aan kala hadhka lahayn ee ay madaxweynaha ku qaabileen, waxana ay hoosta ka xariiqeen in soo dhaweyntaasi farriin u tahay sida shacabku ugu qanacsan yahay hoggaaminta dawladda uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna ugu horrayn shacabka ku dhaqan degmada Sheekh uga mahadceliyeyey sida sharafta iyo karaamada leh ee ay usoo dhaweeyeen isaga iyo weftiga uu hoggaaminayo, isaga oo shaaciyey in soo dhaweyntaasi tahay calaamad waddaniyadeed iyo midnimo.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in bulshada ku dhaqan degmada Sheekh safka hore kaga jiraan, horumarka iyo aqoonta, isla markaana laga sugayo inay  ummadda reer Somaliland oo dhan uga faa’iideeyaan kartida iyo aqoonta ay caanka ku yihiin, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Sheekh  Somaliland iyo inta Af-soomaaliga ku hadasha oo dhammi idiinka marti yihiin, meeshii aqooni taallo ayey shaqo taallaa, meeshii aqoon leh ayey nabadi taallaa, meeshii aqoon leh ayaa horumar laga sugayaa, markaa reer Sheekh waxa laga sugayaa inay Somaliland inay Somaliland oo dhan shaqo-abuur iyo horumar u horseedeen, waayo boqolkii sano ee ugu dambeeyey Sheekh waxa ay ahayd hoygii aqoonta.”

Madaxweynuhu waxa uu la dardaarmay shacabka ku dhaqan degmada Sheekh, waxana uu ka codsaday inay ku dedaalaan ka fikirka danta guud iyo horumarinta dalka, “Waxad ogaataan in degmada Sheekh iyo Saaxil-ba in Somaliland oo dhammi wax badan oo horumarin ah oo aqoon ah oo khayraad ah idinka sugayso, idinkuna ha odhanina maxaa naloo qabanayaaye dalka maxaannu u qabannaynaa ka bilaaba,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu dhagax-dhigay ballaadhin iyo casriyeyn lagu samayn doono garoonka kubadda cagta ee degmada Sheekh iyo Jaamacad cusub oo  halkaas laga dhisi doono, isaga oo sidoo kalena xadhigga ka jaray waddo cusub oo magaalada laga hirgeliyey.

Dhinaca kale,  shacabka ku dhaqan deegaannada Karasharka Laalays, Huddisa iyo dhammaanba deegaannada u dhexeeya magaalooyinka Berbera iyo Burco, waxana madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayaa baqoole kusoo galeen magaalo-madaxda gobolka Saaxil ee Berbera oo ay haatan ku sugan yihiin.