Madaxweynaha somaliland oo Ciidanka Qaranka iyo Shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyey Geerida mujaahid gashaanle sare Marxuum Cumar Aw Maxamed Xasan (Dhako-finish)

0
671
TACSI MADAXWEYNE: 06/05/2020
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ciidamada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan ciidanka Qaranka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee mujaahid gashaanle sare Marxuum Cumar Aw Maxamed Xasan (Dhako-finish) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 06/05/2020, caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
 
 
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey mujaahid weyn oo kaalin muhiima ka soo qaatay halgamadii kala danbeeyey ee dalka loo soo galay, kana mid ahaa saraakiishii qaybta ka qaatay dhismaha ciidanka qaranka Somaliland iyo dib u dhiskii dalka.
 
 
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
 
ALLAA MAHAD LEH
 
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.