Madaxweynaha Somaliland Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Dawladda iyo Shacbiga Itoobiya

0
666

Dhambaal Tacsi Ah

Madaxweynaha Somaliland Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Dawladda iyo Shacbiga Itoobiya

 

Hargeysa-15/12/2018-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Dhambaal Tacsi ah u dirayaa dawladda federaalka Itoobiya iyo shacbi weynaha dalkaasi  aynu jaarka nahay isagoo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid madaxweynihii  hore  ee dalka Itoobiya,  Girma Walde giyorgis oo xalay ku geeriyooday  Cusbitaal ku yaalla Magaaladda Addis Ababa.

 

Madaxweynuhu waxa uu Madaxweynihii hore ee geeriyooday ku tilmaamay  siyaasi ka baxay dawladda Federaalka Itoobiya iyo mandaqadda Geeska Afrikaba, isla markaana muddadii uu xilka hayey door laxaad leh ka qaatay  iskaashiga iyo xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya.

 

Madaxweynuhu waxa uu shacbiga Itoobiya iyo dawladdaba mar labaad ka tacsiyadaynayaa geerida ku timi madaxweynihii hore ee dalkaas Girma Walde giyorgis.

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.