Madaxweynaha Somaliland oo ehelada iyo shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Yuusuf Caynab Muuse oo hore u soo qabtay Xilal kala duman oo heer wasiir ah

0
507

Madaxweynaha Somaliland oo ehelada iyo shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Yuusuf Caynab Muuse oo hore u soo qabtay Xilal kala duman oo heer wasiir ah

Tacsi Madaxweyne: 27/02/2019

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, siyaasiyiinta, madaxda dhaqanka,  waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Yuusuf Caynab Muuse oo ku geeriyootay maanta oo ay taariikhdu tahay 27/02/2019, Magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi iyo oday ka baxay qaranka Somaliland door muhiimana ka soo qaatay nabad kuwada noolaanshaha shacbiga Somaliland wada dega iyo dib u dhiskii dalka, xilal muhiima oo heer wasiir ahna qarankan ka soo qabtay.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Siyaasiyiinta, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.