Madaxweynaha Somaliland oo kulan casho sharaf ah la qaatay wefdi xildhibaanno iyo masuuliyiin kale isugu jira ka socda dalka Ugandha, kuwaas oo booqasho ku jooga Somaliland

0
551
Hargeysa(MT-JSL)WAR-SAXAAFADEED: 20/07/2018-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu habeennimadii xalay kulan casho sharaf ah la qaatay wefdi xildhibaanno iyo masuuliyiin kale isugu jira ka socda dalka Ugandha, kuwaas oo booqasho ku jooga Somaliland.
 
 
Kulankaas oo ay madaxweynaha kala soo qaybgaleen, gudoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, mudane Baashe Maxamed Faarax, gudoomiye ku xigeenka wakiiladda, mudane. Axmedyaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Wasiirradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, gaashaandhiga, Mudane. Ciise Axmed Yuusuf, Horumrinta biyaha, mudane. Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Deegaanka iyo horumarinta reer miyiga, marwo, Shukri Xaaji Ismaaciil Maxamuud Baandarre, Shaqo gelinta, Arrimaha bulshada iyo qoyska, marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaanni, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, Liibaan Yuusuf Gaaxnuug, agaasimaha guud Arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, Cabdinaasir Axmed Xirsi iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada, Mudane Maxamed Cali Bile.
 
 
Munaasibadda casho-sharafta ah, ayaa ahayd mid uu madaxweynuhu ku maamuusay xildhibaannada iyo masuuliyiinta kasoo jeeda waddanka Uganda, islamarkaana lagu muujinayey xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Ugnada.
 
 
Xildhibaannada iyo masuuliyiinta kasoo jeeda dalka Uganda oo muddo kooban ku sugnaa dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dhawaan kasoo noqday booqasho ay ku tageen marsada caalamiga ah ee Berbera, iyaga oo soo indho-indheeyey dhaqdhaqaaqa ganacsi ee halkaas ka socda.
 
 
 
 
 
 
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.