Madaxweynaha Somaliland Oo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Shacbiga Dalkaasi ka tacsiyadeeyey Geerida ku timid Marxuum Sacad Cumar Geelle Maamulihii Dekada Jabuuti

0
570

TACSI MADAXWEYNE:07/10/2019
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Somaliland Waxa Uu Dhambaal Tacsi Ah U Dirayaa Shacbiga Jabuuti Iyo Madaxweynaha dalkaasi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Jabuuti, ee uu ka baxay alle ha u naxariistee Marxuum Sacad Cumar Geelle oo ahaa maamulaha dekeda Jabuuti, kuna geeriyooday maanta dalka Faransiiska. Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane, Ismaaciil Cumar Geelle oo marxuumku ahaa walaalkii.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo qoyska, qaraabada, ehelada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Jabuuti, ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

Aamiin Aamiin Aamiin

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.