Madaxweynaha Somaliland Oo Mashaariic Cusub Oo Gudaha Berbera Laga Hirgeliyey Kormeeray, Qaar Kalena Dhagax-dhigay

0
658

Madaxweynaha Somaliland Oo Mashaariic Cusub Oo Gudaha Berbera Laga Hirgeliyey Kormeeray, Qaar Kalena Dhagax-dhigay

 

Berbera-14-09-2019-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray mashaariic horumarineed oo laga wado gudaha dekedda weyn ee magaalada Berbera, ceel biyo macaan leh oo laga hirgeliyey deegaanka Kal-gumarre ee duleedka Koonfureed ee magaalada Berbera,  isaga oo dhagax-dhigay mashaariic isugu jira ceel-biyoodyo, dhismeyaal cusub oo loo dhisi doono Shaybaadhka qaranka iyo haamo cusub oo ay yeelan doonaan keydka haamaha shidaalka ee magaalada Berbera.

 

Madaxweynaha iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga magaalada Berbera, islamarkaana ay wehelinayaan maamulka heer gobol iyo heer degmo ee magaalada Berbera,  ayaa ugu horrayn kormeeray dekedda weyn ee magaalada Berbera, waxana uu madaxweynuhu indho indheeyey mashaariic waaweyn oo ay shirkadda dekedda gacanta ku haysa ee DP World ka hirgelisay gudaha dekedda iyo agab casri ah oo ay keentay, waxana uu warbixin ka dhegaystay maareeyaha dekedaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Siciid Xasan Cabdilaahi oo ku dheeraaday horumarka ay dekeddu ku tallaabsatay.

 

Maareeyaha Haamaha keydka shidaalka Berbera, Mudane Xasan Axmed Embasi oo ka hadlay dhagax-dhig uu madaxweynuhu u sameeyey laba Haamood oo  cusub  oo kala ah  Naafto iyo Baatrool, kuwaas oo  midkiiba qaadayo 10,000 (toban kun oo mitir Kuyuubik), ayaa hoosta ka xarriiqay inay haamaha ka dhigeen kuwa isku filan, islamarkaan awood u leh inay buuxiyaan baahida shidaal ee qaar kamid ah dalalka deriska, xaddiga haamahana kor loo qaadayo.

 

Maareeyaha wakaaladda Biyaha Berbera, Mudane Saleebaan Cabdiraxmaan Xuseen iyo wasiirka wasaaradda horumarinta Biyaha, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ka hadlay kormeerka uu madaxweynuhu ku tegay Ceel-biyood biyo macaan leh oo laga hirgeliyey deegaanka Kal-gumarre, ayaa si waafi ah uga warbixiyey dedaallada ay ugu jiraan sidii ay magaalada Berbera u heli lahayd biyo ku filan.

 

Madaxweynuhu waxa uu dhagax-dhigay mashruuc cusub oo Ceel-biyood loogu hirgelinayo dadka ku dhaqan dhinaca barri ee magaalada Berbera, isaga oo masuuliyiinta qaranka u qaabilsan biyaha ku adkeeyey inay xil weyn iska saaraan sidii shacabka ku dhaqan Berbera ay biyaha uga haqab beeli lahaayeen, maadaama oo jawiga magaaladu yahay mid kulul.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maamulka degmada Berbera iyo odayaasha reer Berbera-ba ku bogaadiyey sida ay xilka iskaga saaraan ilaalinta nabadda iyo joogtaynta horumarka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Horumarku waxa uu ku yimaaddaa nabadda, intaynnu nabadda xoojinno ee khilaafaadka yaraynno ayuu horumarkeennuna kordhayaa, meel la isku khilaafsan yahayna horumar laguma gaadho, maamulka Berbera iyo odayaashiisaba waxan ku bogaadinayaa inay nabadda aad u xoojiyeen beryahan dambe, waana tusaale wanaagsan.”

Wa-bilaahi Tawfiiq