Madaxweynaha Somaliland oo Qaranka iyo Eheladii uu ka baxay Wasiir hore Maxamuud Sheekh Cabdilaahi Cige tacsi u diray 

0
653
Madaxweynaha Somaliland oo Qaranka iyo Eheladii uu ka baxay Wasiir hore Maxamuud Sheekh Cabdilaahi Cige tacsi u diray 
TACSI MADAXWEYNE: 19/12/2021
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Sheekh Cabdilaahi Cige oo ku geeriyooday shalay oo ay taariikhdu ahayd 18/12/2021, Dalka Ethiopia, gaar ahaan magaalada Addis-ababa.
 
 
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi ruug-cadaaya oo ka baxay dalka iyo dadka, xilal kala duwan oo ay ka mid ahaayeen gudoomiyihii Gobolka Awdal iyo wasiirkii Boosaha iyo Isgaadhsiinta qaranka Somaliland ugu soo shaqeeyey, door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Somaliland.
 
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
 
 
ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.