Madaxweynaha Somaliland oo shacbiga iyo Afhayeen Maxamuud ka tacsiyadeeyey geerida Marxuum Warsame Jaamac Cali oo galabta ku geeriyooday Ceerigaabo 

0
583
Madaxweynaha Somaliland oo shacbiga iyo Afhayeen Maxamuud ka tacsiyadeeyey geerida Marxuum Warsame Jaamac Cali oo galabta ku geeriyooday Ceerigaabo
TACSI MADAXWEYNE: 20/06/2019
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Warsame Jaamac Cali oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 20/06/2019, gobolka Sanaag gaar ahaan magaalo madaxdiisa Ceerigaabo.
 
 
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay shacbiga Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, kana mid ahaa odayaasha dhaqanka ee gobolka Sanaag. Waxaanu madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi af-hayeen Maxamuud Warsame Jaamac oo uu aabbihii ahaa marxuumku.
 
 
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
 
 
ALLAA MAHAD LEH
 
Xafiiska Warbaahinta iyo Saxaafadda Madaxtooyada JSL