Madaxweynaha Somaliland oo shacbiga iyo eheladii uu ka baxay Marxuum Ismaaciil Mire Maxamed Tacsi u diray 

0
689
Madaxweynaha Somaliland oo shacbiga iyo eheladii uu ka baxay Marxuum Ismaaciil Mire Maxamed Tacsi u diray
TACSI MADAXWEYNE: 18/03/2021
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ismaaciil Mire Maxamed oo ku geeriyooday saaka oo ay taariikhdu ahayd 18/03/2021 Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey siyaasi ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay dhinaca waxbarashada, nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, isagoo ka mid noqday xildhibaanadii 1993-2005 ee golaha wakiilada, wakhtiyadii danbena ka mid ahaa siyaasiyiinta muhiimka ah ee dalka.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.