Madaxweynaha Somaliland oo shacbiga iyo ilma maxamed X Ibraahim Cigaal ka tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Axmed Maxamed X Ibrahim Cigaal 

0
125

Madaxweynaha Somaliland oo shacbiga iyo ilma maxamed X Ibraahim Cigaal ka tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Axmed Maxamed X Ibrahim Cigaal

TACSI MADAXWEYNE: 19/03/2020

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum  Axmed Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ku geeriyooday maanta  oo ay taariikhdu tahay 19/03/2020, dalka Sacuudi Arabiya, gaar ahaan magaalada Damaam.

 

 

Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Ilma Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo dhammaan qoyska, ehelada iyo qaraabada Ilma Xaaji Ibraahim Cigaal meel ay joogaanba, Marxuumka oo uu dhalay madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed X. Ibraahim Cigaal ayaa u geeriyooday xanuun dhinaca wadnaha ah oo ku soo booday.

 

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Saxaafadda iyo Warbaahingta Madaxtooyada  JSL.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here