Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray Ehelka iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Cismaan Abshir Cabdalle oo ku geeriyooday Dalka Jabuuti 

0
539

Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray Ehelka iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Cismaan Abshir Cabdalle oo ku geeriyooday Dalka Jabuuti

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

TACSI MADAXWEYNE: 15/01/2019-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cismaan Abshir Cabdalle oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu tahay 15/01/2019, Dalka Jabuuti. Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Marxuumka, Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu ku sifeeyey marxuumka aqoonyahan halgamaa ah oo door muhiima ka soo qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii bulshada Somaliland, waxaanu la-taliye ka ahaa Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.