Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray Marxuum Xuseen Maygaag Samatar oo ku geeriyooday Hargeysa laguna aasay Maanta

0
631

Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray Marxuum Xuseen Maygaag Samatar oo ku geeriyooday Hargeysa laguna aasay Maanta

TACSI MADAXWEYNE: 01/08/2019
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, culimada, madaxda dhaqanka, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xuseen Maygaag Samatar oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa laguna aasay maanta oo ay taariikhdu tahay 01/08/2019.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay qaranka Somaliland door muhiimana ka soo qaatay dedaaladii kala danbeeyey ee qarannimada Somaliland.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, culimada, madaxda dhaqanka, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.