Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray Shacbiga iyo Eheladii uu ka baxay Marxuum Cabdiraxmaan Sh Xuseen Cabdi

0
38

TACSI MADAXWEYNE: 21/03/2024.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, shacbiga Somaliland, qoyska iyo ehellada, uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Sheekh Xuseen Cabdi oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 21/03/2024, dalka Uk, gaar ahaan magaaladda Sheffield. Ahaana la-taliyihii madaxweynaha Somaliland ee arrimaha Naafadda.

 

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey halgamaa ka baxay dalka iyo dadka door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii shacbiga Somaliland iyo dib u dhiskii dalka.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.