Madaxweynaha Somaliland Oo Tacsi u diray Shacbiga iyo qoyska uu ka maxay Marxuum Yaasiin X Claahi Maxamed oo ku geeriyooday London

0
673
TACSI MADAXWEYNE: 21/12/2019
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Yaasiin Xaaji Cabdilaahi Maxamed oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 21/12/2019, dalka Uk gaar ahaan London.
 
 
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey halgamaa ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii, nabadayntii iyo dib u xorayntii dalka.
 
 
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
 
 
ALLAA MAHAD LEH
 
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.