Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray shacbiga iyo qoyskii uu ka Baxay marxuun ganacsade Cali Maweel Diiriye

0
574
TACSI MADAXWEYNE: 03/02/2020
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee ganacsade Marxuum Cali Maweel Diiriye, oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 03/02/2020, dalka Jabuuti.
 
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay dalka iyo dadka door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, kana mid ahaa ganacsatada waa weyn ee dalka.
 
 
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
 
ALLAA MAHAD LEH
 
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.