Home Wararka Madaxweynaha Somaliland oo wareegto madaxweyne ku Dalacsiiyey Kormeere Saddexaad, Muxumed Ismaaciil Faarax...

Madaxweynaha Somaliland oo wareegto madaxweyne ku Dalacsiiyey Kormeere Saddexaad, Muxumed Ismaaciil Faarax oo ka tirsan Ciidanka Booliska Jamhuuriyadd

0
901

HARGEYSA(MT-JSL)WAR-SAXAAFADEED: 15/09/2018-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-197/092018, waxa uu derajo ciidan oo ah dalacsiin Kormeere Saddexaad, Muxumed Ismaaciil Faarax oo ka tirsan Ciidanka Booliska Jamhuuriyadd Somaliland, lana siiyey derajada uu mudan-yahay oo ah Xidigle  oo uu madaxweynuhu hore balan qaad ugu sameeyey mar uu ka qayb-galay qalin-jebintii Jaamacadda Hargeysa.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

 Bixin Derajo

Markaan Arkay:                         Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 4aad;

 Markaan Garwaaqsaday: Xilka naf-huridda iyo heeganka joogtaysan ee ay Ciidanku u hayaan dalka;

 Markaan Ku Qancay:                 In bixinta Derajadu ay kor u qaadi doonto         milgaha, sharafta iyo haybadda Dawladnimo;

 

Markaan Tixgaliyey:                  Hawl-karnimadiisa, Dedaalka iyo

Daacadnimadiisa;

                                                               

Waxaan Go’aansaday;

 

In aan dalacsiiyo Kormeere Saddexaad, Muxumed Ismaaciil Faarax, oo ka tirsan Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, qaybta nabadgelyada Waddooyinka, lana siiyo derajada uu mudan-yahay oo ah Xidigle.

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland