Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhigga Ka Jaray Dhismeyaal Cusub Oo Lagu Soo Kordhiyey Cusbitaalka guud ee Ceerigaabo + Sawiro

0
636

Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhigga Ka Jaray Dhismeyaal Cusub Oo Lagu Soo Kordhiyey Cusbitaalka guud ee Ceerigaabo

Ceerigaabo-27-11-2018-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa  maanta xadhigga ka jaray dhismeyaal cusub iyo dib-u-habayn ballaadhan oo lagu sameeyey  cusbitaalka guud ee magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Munaasibad ballaadhan oo lagu daah-furayey dhismeyaasha iyo casriyeynta ballaadhan ee lagu sameeyey Cusbitaalka guud ee magaalada Ceerigaabo, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey masuuliyiinta gacanta ku haya cisbitaalka, madaxda gobolka Sanaag u qaabilsan xukuumadda iyo wasiirka wasaaradda Horumarinta caafimaadka, Mudane Xasan Ismaaciil Yuusuf, iyada oo halkaas lagaga warbixiyey marxaladihii kala duwanaa ee uu cusbitaalku soo maray iyo horumarka uu ku tallaabsaday.

Wasiirka wasaaradda Horumarinta  Caafimaadka, Mudane Xasan Ismaaciil Yuusuf, ayaa hoosta ka xarriiqay inay xukuumaddu u hagar-baxday ballaadhinta iyo casriyeynta Cusbitaalka, isla markaana ay muhiimad weyn siiyeen gobolka Sanaag, si loo daboolo baahida caafimaad ee gobolka ka jirta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeer kooban oo uu ku sameeyey dhismeyaasha cusub ee kusoo kordhay Cusbitaalka, waxa uu dhinaciisa shaaciyey sida ay xukuumad ahaan muhiimadda koowaad u siiyeen daryeelka caafimaadka Bulshada, gobollada Bariga, gaar ahaan gobollada Sool iyo Sanaag oo laga hirgeliyey Cusbitaalladii ugu baaxadda weynaa, uguna casrisanaa guud ahaanba dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi, waxa uu bogaadiyey cidkasta oo kaalinka geysatay casriyeynta iyo ballaadhinta Cusbitaalka, isaga oo si gaar ahna farriin ugu diray guud ahaan dadka reer Sanaag ee aqoonta caafimaad bartay, waxana uu yidhi, “Waxa mahadnaq iyo bogaadin mudan cid kasta oo ka qayb-qaadatay, arrin adduun, muruq iyo maalba, Dakhaatiirta Somaliland, gaar ahaan kuwa gobolka Sanaag kasoo jeeda ee waayo-aragga waxan leeyahay kaalaya gobolkii aad wax ku barateen ee idin soo koriyey, waxa looga baahan yahay inay halkan yimaaddaan halkan oo ay ka qayb-qaataan cisbitaalka oo ay dhakhaatiirta yaryar ee imika gacanta ku haysana ay waayo-aragnimo u kordhiyaan.”

Cusbitaalka guud ee magaalada Ceerigaabo ee haatan balladhinta iyo casriyeynta lagu sameeyey, ayaa yeelan doona keydka ugu ballaadhan ee daawooyinka, guud ahaanba gobollada dalka Jamhuuriyadda Somaliland.