Madaxweyne Ku Xigeen Somaliland Oo Kulan La Qaatay  Madaxda Ururka Dhaqaalaha Cagaaran Ee Dunida (World Green Economy Organization) Oo Kuna Marti-qaaday Shir Muhiima + Sawiro

0
548

Madaxweyne Ku Xigeen Somaliland Oo Kulan La Qaatay  Madaxda Ururka Dhaqaalaha Cagaaran Ee Dunida (World Green Economy Organization) Oo Kuna Marti-qaaday Shir Muhiima.

 

Dubai-24-09-2019-(MT-JSL)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ku sugan Imaaraadka Carabta ayaa maanta la kulmay madaxda ururka Dhaqaalaha cagaaran ee Dunida (World Green Economy Organization).

 

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ku guda jira safarkiisi shaqo ayaashalay soo gaadhay magaalada Dubai ee Imaaraadka Carabta, ka dib markii ay ka soo duuleen dalka Kuwait oo uu madaxweyne ku xigeenku u joogay maalmahan hawlo shaqo.

 

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo uu wehelinaayo wakiilka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta, Amb. Muniir Cabdillaahi Abusite ayaa maanta kulan muhiima la qaatay Mr. Musaad Al-Salah oo ah maamulka ururka dhaqaalaha cagaaran ee Dunida iyo Mr. Edem Bakhshish oo ah agaasimaha guud ee caalamka u qaabilsan ururkaasi, waxaana madaxweyne ku xigeenka iyo labada wasiir ee wasaaraddaha deegaanka iyo horumarinta miyiga iyo macdanta iyo tamarta ku casuumeen shir caalamiya oo lagaga hadlayo isbedelka cimilada adduunka oo lagu qaban doono Dubai kaasoo socon doona laba maalmood 20-21- October-2019-ka.

 

 

Waxaana kulankaasi lagu go’aamiyey in Jamhuuriyadda Somaliland xubin rasmiya ka noqoto shirarka caalamiga ah ee ururkaasi ku qabanayo dunida oo ah mid ay ku kulmaan madaxweyneyaal badan oo ka socda caalamka iyo madax kala duwan oo magac iyo maamuus ku leh dunida, iyadoo shirkana uu furidoono madaxweyne ku xigeenka, ahna ra’iisal wasaaraha iyo amiirka Imaaraadka Carabta Mohammed bin Rashid Al Maktoum.

 

 

Safarkan madaxweyne ku xigeenku ku jooga wadamada khaliijka ayaa ah mid shaqo oo uu madaxweyne ku xigeenku ugu kuur-gelayo arrimo la xidhiidha horumarka iyo maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland, sidii loo sii xoojin lahaa.

 

Wa-bilaahi Tawfiiq