Madaxweyne-Ku-Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kormeeray Goobaha Loo Qorsheeyey Dadkii Ku Ganacsan Jirey Suuqa Waaheen + Sawiro

0
307

Madaxweyne-Ku-Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kormeeray Goobaha Loo Qorsheeyey Dadkii Ku Ganacsan Jirey Suuqa Waaheen

 

Hargeysa-13-04-2022-(MT-JSL)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo xubno xukuumadda katirsan oo uu hoggaaminayo, ayaa kormeer ku tegay goobaha loo qorsheeyey in la dejiyo dadkii ku ganacsan jirey suuqa weyn ee Waaheen ee uu dhawaan dabku baabi’iyey.

Madaxweyne-ku-xigeenka oo ay wehelinayaan xubno kamid ah guddida gacanta ku haysa gurmadka dadkii ku tabaaloobay dabkii dhawaan ka kacay suuqa weyn ee Waaheen, ayaa kormeerkooda ku tegay goobo kala duwan oo ay dawladda Hoose ee Hargeysa ugu talo gashay inay si ku-meel-gaadh ah ugu sii ganacsadaan dadkii suuqaas ku ganacsan jirey, kuwaas oo ay kamid yihiin beerta xorriyadda, Huteelka Hadh-wanaag iyo xero-jaaddii hore ee Hargeysa, iyaga oo sidoo kalena kormeerkooda ku tegay suuqa Waaheen oo ay ka socota hawsha xaadhista burburka iyo hadhaagii gubashada dabka.

Injineerrada gacanta ku haya dhismeyaasha goobahaas laga wado, ayaa madaxweyne-ku-xigeenka uga warbixiyey halka ay marayaan dhismeyaashu iyo hannaanka ay u qorsheeyeen in goobahaas loogu ganacsado, waxana ay sheegeen inay degdeg u dhamayn doonaan goobahaas ay dhisayaan oo loo dhamaystiri doono wax kasta oo ay u  baahan yihiin dadka la dejin doonaa.

 Madaxweyne-ku-xigeenka iyo xubnaha wehelinaya, ayaa sidoo kale kormeeray  Huteelka Hadh-wanaag oo uu mulkiilihii lahaa si mutadawacnimo ah ugu deeqay inay dadweynihii ku caydhoobay suuqa Waaheen si ku-meel-gaadh ah ugu ganacsadaan, kaas oo baaxaddiisu aad u weyn tahay, ganacsato badanina ay ka faa’iidaysan karaan.

Suuqii Waaheen ee dhawaan gubtay oo ay hawl nadiifin ah dawladda Hoose ee Hargeysa ka waddo, ayuu madaxweyne-ku-xigeenku soo kormeeray, waxana uu soo indho-indheeyey hawsha nadiifinta ah ee socoto, waxana uu guddida qaran ee hawshaas gacanta ku haysa ku ammaanay sida xilkasnimada leh ee ay hawlaha u wadaan.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Saylici, waxa uu farriin guud u diray bulshada reer Somaliland, isaga oo ugu baaqay inay dhibaatada dabku keenay midnimo ku wajahaan, kana dheeraadaan wax kasta oo shacabka tafaraaruq ku ridaya, waxana uu yidhi, “Waxan leenahay dhammaanteen masuuliyiin baynu nahay, walaalaheenna waxan leeyahay hallaga daayo wax yar oo gaar ah oo la dhex wado iyo dano siyaasadeedba.Waxan umadda reer Somaliland ugu baaqayaa inaynu hawshan u midowno, sidaa caalamkii oo dhammi ugu midoobay ee Af walba lagaga hadlayo dhibaatadii suuqa Waaheen ku dhacday.”

Kormeerka madaxweyne-ku-xigeenka, ayaa kusoo beegmaya, xilli guddida heer qaran  ee gurmadka iyo taakulaynta suuqa Waaheen, ay hawlo baaxad leh oo la xidhiidha sidii ganacsatadii suuqaasi u heli lahaayeen goobo ay ganacsigoodii kusii wataan ku mashquulsan yihiin.

default
default
default

Wa-bilaahi Tawfiiq