Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo wareejiyey Gaadhi ay u dhanyihiin Agabka Caafimaadku oo ay ka faa’iidaysan doonaan Ardayda Caafimaadka ee Jaamacadaha Dalku

0
310

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo wareejiyey Gaadhi ay u dhanyihiin Agabka Caafimaadku oo ay ka faa’iidaysan doonaan Ardayda Caafimaadka ee Jaamacadaha Dalku.

Hargeysa-21-01-2023-(MT-JSL)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa wasaaradda horumarinta caafimaadka ku wareejiyey gaadhi ay u dhan yihiin qalabka caafimaadka, kaas oo loogu talo galay inay ka faa’iidaystaan ardayda caafimaadka ka barata jaamacadaha dalku.

Munaasibadda wareejinta gaadhigan oo lagu qabtay gudaha qasriga madaxtooyada oo ay goob-joog ku ahaayeen masuuliyiinta ugu sarraysa wasaaradda horumarinta caafimaadka iyo hormuudka Jamaacadaha Cammuud iyo Gabiley, ayaa loogu talo galay in loogu adeego dadka danyarta ee ka durugsan goobaha adeegga caafimaadka, iyada oo ay hawlahaas fulin doonaan ardayda kulliyadaha caafimaadka ee jaamacadaha dalku.

Ugu horrayn, wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo halkaas ka hadlay, ayaa madaxweyne-ku-xigeenka uga mahadnaqay sida xilkasnimada leh ee uu isaga xilsaaray inuu gaadhi waxtar u leh nolosha bulshada danyarta ah ugu wareejiyo, waxana uu masuuliyiinta jaamacadaha la wareegaya ku adkeeyey inay ilaaliyaan baabuurkaas ay adeegga caafimaadka ku bixinayaan, tabobarna ku qaadan doonaan.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday qiimaha uu baabuurkani leeyahay iyo sida uu kaalin uga geysan doono in ardayda caafimaadka barataa bulshadadooda ugaga faa’iideeyaan dadkooda danyarta ah ee ku nool goobaha dibadda ka ah magaalooyinka.

Ugu dambayntii, madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu baabuurkaa ku wareejiyey masuuliyiinta wasaaradda horumarinta caafimaadka, kuwaas oo iyaguna kusii wareejiyey hormuudka jaamacadaha Cammuud iyo Gabiley oo goobta ku sugnaa.


Wa-bilaahi Tawfiiq