Madaxweyne Ku xigeenka Oo Ka Qayb-galay Furitaanka Hargeysa International Book Fair Oo Maanta si Rasmi Ah Looga Daah-Furay Magaalada Hargeysa + Sawiro

0
578

Madaxweyne Ku xigeenka Oo Ka Qayb-galay Furitaanka Hargeysa International Book Fair Oo Maanta si Rasmi Ah Looga Daah-Furay Magaalada Hargeysa

Hargeysa-21-07-2018-(MT-JSL)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka qayb-galay bandhiga furitaanka carwada buuggaagta ee Hargeysa International Book Fair.

Madaxweyne ku xigeenka oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu mahad-celinayaa Jaamac Muuse Jaamac iyo kooxdiisa sida hagar la’aanta ah ee ay barnaamajkani u wadeen tobanka sanadood, wuxuu u badheedhay wado dheer oo caqabado badan lahayd, waxa kale oo aan aad ugu mahad-naqayaa una soo dhawaynayaa dadka inooga yimi dunida, aqoonyahanada, safiirada dhamaantood waxaan kusoo dhawaynayaa dalka Jamhuuriyadda Somaliland, gacmo furan kusoo dhawaada ayaan leeyahay.
Waxaanu madaxweyne ku xigeenku goobtaasi kaga dhawaaqay oo uu yidhi “ waxaan si rasmi ah ugu dhawaaqayaa inuu furan yahay badhiga Hargaysa International Book Fair, hawshani waxay qiimo weyn u leedahay dalkeena, intaasoo qof oo dalal kala duwan ka yimi ayaa jooga waxay markhaati ka yihiin in Somaliland tahay dal cagihiisa ku taagan oo tashaday, dad badan ayaa maanta baranaya Somaliland waxa ay tahay nabad-galyada iyo dimuqraadiyadda ka jirta.