Madaxweyne Ku Xigeenka  Oo Ka Qeyb Galay Daah-furka Mashruuca Dhawrida  Soo Jireenka Taariikhda Degmada Laasgeel + Sawiro

0
642

Madaxweyne Ku Xigeenka  Oo Ka Qeyb Galay Daah-furka Mashruuca Dhawrida  Soo Jireenka Taariikhda Degmada Laasgeel.

 

08-03-2020-(MT-JSL)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta  Degmada Laasgeel ee Gobolka Maroodi Jeex kaga qeyb galay Xaflada daah-furka Mashuuraca  Dhawrida soo jireenka Taariikhda Laasgeel  oo ay iska kaashadeen Midowga Yurub Iyo Wasaaradda  Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska Somalialnd.

 

Madaxweyne ku xigeenka iyo wafti uu hoggaaminyo ayaa waxay booqasho ku tageen Buurta Laasgeel oo ah goob leh taariikh soo jireen ah in ka badan Toban kun oo sanno, waxaana uu Madaxweyne ku xigeenka kormeer ku sameeyey dhammaan Aasaarta qadiimiga ah ee Buurta laasgeel.

 

Madaxweyne ku xigeenka ayaa ka hadlay munaasibad balaadhan oo loo sameeyey mashruuca Dhawrida iyo badbaadinta taariikhda soo jireenka ah ee Degmada laasgeel.

 

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay qiimaha ay leedahay taariikhda Laasgeel “Qaran ahaan waan dareensanaa qiimaha ay leedahay iyo ummadda ay soo jiiday, dadka ay ina barayso aqoonyahan badan ayey soo jiidaa runtii oo halkan yimaada, aniga qudhayda wax badan iga bedeshay runtii, Xukuumadayadu waxay diyaar u tahay in aad loo horumariyo”

 

Waxaana uu Bulshada ugu baaqay in la wada ilaashado dhammaan aasaarta dalka oo ah taariikh soo jireen ah oo ummaddu leedahay  waxaana uu yidhi “Dhammaanteen aan gacmaha isu qabsano inaan wada ilaalino  aasaarta aan joogno iyo kuwii kale ee la helaba aad iyo aad baad u mahadsan tihiin”

 

Ugu Danbayntiina waxaa halkaasi heshiis Mashuurca Ilaalinta soo jireenka Taariikhda Laasgeel ku kala saxeexday Dawladda Somaliland iyo Midowga Yurub iyadoo uu Dawladda Somaliland u saxeexay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) halka uu Midowga Yurubna u saxeexay Amb Nicolas Berlanga, waxaana  mashruuca fulinaysa Xarunta Dhaqanka Ee Hargeysa uu u saxeexay  Gudoomiyaha Xaruntaasi Jaaamac Muuse Jaamac.

Wa bilaahi tawfiiq.