Madaxweyne Muuse Biixi oo  Bulshada La Wadaagay Guulaha Xukuumadda uu Hoggaamiyaa gaadhay iyo Qorsheyaashiisa mustaqbalka Dhaw

0
543

Madaxweyne Muuse Biixi oo  Bulshada La Wadaagay Guulaha Xukuumadda uu Hoggaamiyaa gaadhay iyo Qorsheyaashiisa mustaqbalka Dhaw

 

Boorama-05-08-2018-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo salka ku haysa qorshayaashiisa mustaqbalka dhaw iyo waxyaabihii xukuumadda uu hoggaamiyo u qabsoomay muddadii siddeeda bilood ahayd ee uu xilka hayey.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo hadalkan maanta ka jeediyey munaasibad ay ku qalin-jabinayeen arday ka baxday jaamacadda Cammuud, ayaa si gaar ah ugu dheeraaday guulaha la taaban karo ee ay xukuumaddu gaadhay muddadii ay jirtey, isaga oo hoosta ka xarriiqay inuu madaxweyne ahaan ku taagan yahay fulinta ballamihii uu shacabka u qaaday waqtiyadii ololaha doorashada lagu jirey.

 

Ugu horrayn madaxweynuhu waxa uu bulshada dib u xasuusiyey khudbad taariikhi ahayd oo uu waqtigii ololaha ka jeediyey jaamacadda Cammuud, waxaana uu si gaar ah ugu mahadnaqay hormoodka Jaamacadda Cammuud, Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, isaga (Madaxweynaha) macallin u ahaa waqtigii ardaynimadiisa,“Maalintii ololaha khudbaddii aan akhriyey waxan kusoo gebo-gebeeyey bahda Cammuud ha iska war hayso, ballantaas xaggiinnii waad ka fuliseen oo duco iyo codba waad ku darteen oo waaniga maanta halkan jooga, maantana waan ku celinayaaye bahda Cammuud ha iska war hayso, 8-bilood (Siddeed bilood) oo aan imika madaxweyne ahaa, waana maalintii iigu horraysay ee aan safar kaga soo baxo madaxtooyada, waxaana nasiib-wanaag kale ah inay ku beegantay qalin-jabinta Cammuud. Inuu macallinkaygii I garab joogo isaga oo intaaba dalka usoo tabcayeyna guul bay u tahay in ardaydiisii dalka hoggaamiyayaal ka noqdaan, anigana sharaf bay ii tahay inuu macallinkaygii weli yahay wershad soo saarta dadka,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sheegay inuu ku taagan yahay fulinta ballamihii uu shacabka u qaaday, islamarkaana uu bar-tilmaameed ka dhigtay sidii uu ammaanka dalka u xoojin lahaa, wasaaradaha qaranka ee muhiimka ahna tixgelin gaar ah u siin lahaa, waxaana uu yidhi, “Ballamihii aynu qaadnay waa inoo halkoodii siddeedii biloodna waxa aanu ku dedaalnay ugu horrayn xaggaynu wax ka dhaqaajinaa, dawladdana halla koobaa la yidhi, duruufo kalena waa jiraan, laakiin intii itaalkayaga ahayd waanu koobnay, markaynu ololaha ku jirneyna waxa aynu ku ballannay inay nabadgelyadu kow noqoto, nabadgelyadii uun baanu kow ka dhignay oo aanu xoogga saarnay, waxaana aanu ku xigsiinay inaanu xoogga saarno inaynu dalkeena dalag kasoo saarno, ugu horrayna waxa aanu muhimadda koowaad siinnay wasaaradda Beeraha oo ahayd tii ugu liidatay, maantana  Wajaale waxa ugu beeran dhul gaadhay ilaa 11KM(Kow iyo toban) oo aanu filayno ugu yaraan 25% (boqolkiiba shan iyo labaatan) in cuntada dalka lagu cunaa kasoo bixi doonto. Xaaxi-na 900 oo Higtar ayaa ugu beeran, wasaaradda Beeraha iyo wasiirkeedana waxaan ku bogaadinayaa inay muujiyeen tijaabo cajiib ah oo sanadaha soo socda lagu dhiirran karo inaynu cunto inagu filan soo saari karno.”

 

Isaga oo hadalkiisa sii  wata, waxa uu intaas ku daray,“Dardaarankeenu waxa uu ahaa in wasaaradaha dadka noloshooda taabta aynu xoogga saarno, sida Waxbarashada iyo Caafimaadka, waxaana aanu labadaas wasaaradood u xulnay cid aqoontooda leh, wasiirka, ku-xigeenka, agaasimaha iyo haddii la heli karo kuwa ka hooseeya, waxaana ay bilaabeen qorshe culus oo ah sidii bay tacliinta qaranka iyo caafimaadka dalku noqonayaa shanta sano ee soo socota,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ka hadlay tayeynta wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, waxana uu bulshada u sharraxay ujeeddada laga leeyahay tababarrada loo furayo barayaasha, waxana uu yidhi, “Iskuullada waxanu doonaynaa in aanu geyno macallin ardayda dhaama oo wax u dhigi kara, sidaas darteed macallimiinta waxa laga rabaa inay soo gasho tababarka inta iskuulladu fasaxu yihiin, taas oo kale ayaana ka socota wasaaradda Caafimaadka.”

 

Waxyaabaha kale ee uu madaxweynuhu maanta ka hadlay, ayaa waxa kamid ahaa sidii loo dhisi lahaa waddada isku xidha magaalooyinka Boorama iyo Lawyacaddo, waxana uu sheegay inay waddadaasi bilaabmi doonta markay ay dhammaato waddada isku xidha Burco iyo Ceerigaabo oo haatan gacanta lagu hayo, “Wasaaradda hawlaha guud iyo hay’adda waddooyinku waxa ay amar ku qabaan in waddada Ceerigaabo aan filayo inay sanad iyo badh ku dhammaan doonto inay qalabka, lacagta iyo miisaanka kusoo wareejiyaan waddada isku xidha Boorama iyo Lowyacaddo, ballanqaadyaduna waa inay qorshe ku socdaan, taasna waxa ku xigi doona Ceerigaabo iyo Badhan si dalku u helo waddo Bari iyo Galbeed iskaga gudubto” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Wa-bilaahi Tawfiiq