Madaxweyne Muuse Biixi Oo Daah-furay Wejiga Labaad Ee Mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Somaliland Ee SDF + Sawiro

0
506

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Daah-furay Wejiga Labaad Ee Mashaariicda  Sanduuqa Horumarinta Somaliland Ee SDF

 

Hargeysa-29-09-2020-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jahuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay wejiga labaad ee mashaariicda Sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF.

 

Munaasibadda uu madaxweynuhu ku daah-furay wejiga labaad ee mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) oo ay gadh-wadeen ka tahay wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta qaranka Somaliland,  ayaa waxa kala qaybgalay Xubno kamid ah golaha wasiirrada, madax ka socotay dalalka Somaliland ka taageera Sanduuqan ee Denmark, Holland iyo Ingiriiska, agaasimeyaal iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana laga jeediyey hadallo diirrada lagu saaray muhiimadda  ay mashaariicda wejigan labaad ku jiraa qaranka u leeyihiin iyo sida ay xukuumaddu daacadda uga tahay inay si hufan u hirgalaan.

 

Ugu horrayn Ku-xigeenka  madaxa Horumarinta Somaliland  ee Sanduuqa horumarinta Somaliland Mudane,   Najax Maxamuud Aadan, ayaa sharraxaad ka bixiyey meelaha uu diiradda saarayo wejiga labaad ee mashruucani, waxana uu tilmaamay kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo kor u qaadista adeegyada dawladdu halbowle u yihiin wejiga labaad ee mashaariicda horumarinta Somaliland.

 

Mudane Najax waxa uu sidoo kale xusay in dhismaha marsada Maydh, dhismaha iyo dayac-tirka waddooyinka muhiimka ah, koru-qaadidda adeegga biyaha, kobcinta wax soo saarka Xoolaha iyo Beeraha, kobcinta tayada shaqaalaha dawladda, iyada oo la dhammaystiri doono mashaariicdii caafimaadka iyo waxbarashada ee wejigii koowaad ee mashruuca Sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF ay laf-dhabar u yihiin wejiga labaad ee mashruucan.

 

Morgan Ralley oo ku hadlayey magaca  Saaxiibadda Somaliland ee qaybta ka ah Sanduuqa, ayaa isaguna dhinaciisa ku dheeraaday muhiimadda mashaariicdani u leeyihiin bulshada Somaliland iyo sida ay dawladaha lacagaha ugu deeqa sanduuqani ula dhacsan yihiiin nidaamka daaha-furan ee ay dawladda Somaliland u maamusho.

 

Wasiirka wasaaradda Qorshaynta  qaranka iyo Horumarinta, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo isagu hormuud u ah qorshaynta iyo jaangoynta mashaariicda, ayaa ugu horrayn ammaanay nidaamkii ay ku dhammaadeen wejigii koowaad ee mashaariicda sanduuqa Horumarinta Somaliland iyo guulaha ay mashaariicdaasi u horseedeen  qaybihii kala duwanaa ee laga maalgeliyey, isaga oo hoosta ka xarriiqay in wejiga labaadna  ay ku rejo weyn yihiin inay guulaysan doonaan.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo si rasmi ah u daah-furay wejiga labaad ee mashruuca sanduuqa horumarinta Somaliland, ayaa  dawladaha Somaliland ka taageera dhinaca horumarka ee sida tooska ah sanduuqan lacagta ugu shuba ee kala ah  Ingiriiska,  Denmark iyo Dawladda Netherland, kuwaas Somaliland ku taageeray  sidii ay dhaqaale ugu heli lahayd fulinta mashaariicda horumarineed ee Qaranka.

 

Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey inay Somaliland ka go’an tahay in mashaariicda kala duwan ee dunidu ku taageertaa u socdaa hannaan daah-furan oo cid waliba arkayso nidaamka ay hawluhu socdaan oo aanu marnaba imannin wax shaki ahi, “Waxa dawlad ahaan naga go’an in mashaariicda horumarineed ee Somaliland lagu taageerayaa ay dhammantood maraan waddadii loogu talo galay oo aanay xagga Somaliland ka imannin wax dhaliil ahi, haddii ay dhaqaalaha tahay iyo haddii ay maamulka tahayba. Waxa kale oo naga go’an inaannu waddamada na taageera iyo dawladaha na taageera u caddaynaynaa inaanu doonayno inay wada-shaqaynteennu noqoto mid daah-furan oo labada dhinacba arki karaan sida ay hawshaasi u socoto maamul ahaan iyo dhaqaale ahaanba,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu ugu baaqay dawladaha  Saaxiibka la ah Somaliland  inay taageeradooda dhaqaale soo mariyaan   Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF, maadaama oo uu sanduuqani yahay  nidaam la tijaabiyay isla markaana guulaystay, yareeyayna kharashaadkii maamul ee deeqaha horumarineed.

Wa-bilaahi Tawfiiq