Madaxweyne Muuse Biixi Oo Xadhigga ka Jaray Mashaariic Waaweyn oo Xukuumaddu Ka Fulisay Magaalada Burco, kuwo Cusubna Dhagax-dhigay + Sawiro

0
650

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Xadhigga ka Jaray Mashaariic Waaweyn oo Xukuumaddu Ka Fulisay Magaalada Burco, kuwo Cusubna Dhagax-dhigay

 

Burco-21-11-2018-(MT-JSL)-Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa   dhagax-dhig iyo xadhig ka-jaris ku sameeyey mashaariic waaweyn oo xukuumadda uu hoggaamiyaa ka fulisay gudaha magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, kuwaas oo wax badan ka taraya baahida bulsho ee ka jirta gobolka.

 

Madaxweynuhu isaga oo ku gudo jira safarkiisa shaqo ee uu ku marayo gobollo kamid ah dalka Somaliland waxa uu maanta xadhigga ka jaray jeel weyn oo xukuumaddu ka hirgelisay magaalada Burco, isaga oo sidoo dhagax dhigay 20 (Labaatan qol) oo cusub oo loo dhisi doono cusbitaalka guud ee magaalada Burco, isla markaana  roogga macmalka ah gacantiisa ku dhigay garoonka kubadda cagta magaalada Burco ee Alamsay Stadium.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadallo kala duwan ka jeediyey goobaha kala duwan ee uu dhagax-dhigga iyo xadhig ka-jaridda ku sameeyey, ayaa bulshada reer Burco iyo maamulka gobolkaba uga mahadceliyey sida ay ugu heellan yihiin horumarka iyo isku filnaanshaha, waxana uu kula dardaarmay inay sii xoojiyaan isku filnaanshaha iyo isku duubnidooda.

 

Ugu horrayn madaxweynuhu waxa uu si hufan uga hadlay muhiimadda uu bulshada u leeyahay xabsiga weyn ee uu xadhigga ka jaray,  isaga oo tilmaamay in jeelku yahay madal lagu dhaqan celiyo cid kasta oo qalloocata, “Jeelku waa halkii saldhigga u ahayd nabadgelyada, wanna halkii qofka qalloocan lagu toosin lahana, waxana aynnu ka dhigaynaa, kii toosi waayana meel sharkiisa dadka lagaga hayo, waana jaamacaddii dhaqan-celiska, waxana uu noqonayaa mid wax into toosiya,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu sidoo kale hadal kooban oo qiime leh ka jeediyey gudaha garoonka kubadda cagta ee Alamsay Stadium oo uu gacantiisa ku dhigay roogga cagaaran oo xukuumaddu usoo iibisay, isaga oo dhallinyarada reer Togdheerna ku adkeeyey inay muhiimad gaar ag suutaab midnimadooda iyo wada-jirkooda, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Dhallinyarada reer Togdheer waxa laga doonayaa inay noqdaan kuwii Togdheer lagu yaqaannay ee aan dhaafi girin reer Togdheer baannu nahay, dhammaanteenna waxa la inaga rabaa inaynnu ka hor tangno wixii inaga jeedinaya horumarka, khilaafaadkaa kamid ah,  qabyaaladdaa kamid ah, kelmadda Annagana waxaynnu ku beddelaynaa Innaga Somaliland, ninkii Somaliland oo dhan ku abtirsada uun baana laandheere ah,”

 

masuuliyiinta xukuumadda u qaabilsan gobolka Togdheer, gaar ahaan xubnaha ku shaqada leh  xarumaha dawladeed ee la dhagax-dhigay iyo kuwa xadhigga laga saray, ayaa madaxweynaha wehelinayey,  iyaga oo si kooban uga war-bixiyey muhiimadda ay leeyihiin  xarumahani, hoostana ka xarriiqay sida ay masuuliyiin ahaan diyaarka ugu yihiin inay dhammaystiraan mashaariicda kala duman ee uu madaxweynuhu  dhagax dhigay.

 

Intaa kaddib, madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayaa waxa ay socdaal shaqo oo saacado qaatay ugu baxeen, magaalo-madaxda gobolka Daad-madheedh ee Oodweyne iyo deegaanno hoos yimaadda, halkaas oo ay kasoo oo uu madaxweynuhu xadhiga ka-jaris iyo dhagax-dhig ku sameeyey mashaariic waaweyn oo ay xukuumaddu gadh-wadeen ka tahay, waxana ay gelinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabteen magaalada Burco oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

Wa-bilaahi Tawfiiq