Mdaxweynaha oo tacsi u diray Golaha Guurtida iyo Ehelkii uu ka baxay Marxuum Xil Yuusuf Cabdilaahi Cawaale oo xalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa

0
745

TACSI MADAXWEYNE: 04/10/2018
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargeysa-04-10-2018-(MT-JSL)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, golaha guurtida, golaha wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Yuusuf Cabdilaahi Cawaale oo ka tirsanaa golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland oo xalay taariikhduna ahayd 04/10/2018 ku geeriyooday magaaladda Hargeysa.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay qaranka Somaliland, kana mid ahaa guurtida Somaliland ee wakhtiga dheer ku hawlanaa nabadaynta iyo dib u dhiska dalka, waxaanu marxuumku ahaa shaqsi wakhtigiisa ugu badan geliyey wada jirka iyo wada noolaanshaha shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golaha guurtida, golaha wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin
Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.