TACSI MADAXWEYNE: 09/10/2022 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

0
426

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, golaha Baarlamaanka gaar ahaan golaha guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Muxumed Aw Axmed Xaaji Aadan oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 09/10/2022 Cusbitaalka guud ee caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golaha Baarlamaanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.
May be an image of text
Khaalid jaamac xuseen and 253 others
135 Comments
56 Shares
Like

Comment
Share