TACSI MADAXWEYNE: 26/11/2021

0
683
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xaaji Yuusuf Alloore oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 25/11/2021, Dalka Turkiga oo berri lagu aasi-doono.
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey muwaadin ganacsade weyn ah oo ka baxay dalka iyo dadka, doormuhiimana ku lahaa nabadayntii shacbiga Somaliland kuwada dhaqan iyo dib u dhiskii dalka, kana mid ahaa ganacsatada maalkooda u huray horumarka dalka.
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL