Xukuumadda Somaliland oo Jawaab Dagaalka uu Cabdiweli Gaas kaga Dhawaaqay Garoowe

0
569

Xukuumadda Somaliland oo Jawaab Dagaalka uu Cabdiweli Gaas kaga Dhawaaqay Garoowe

 

Hareysa(MT-JSL)- Wasiirka  wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland,  ahna afhayeenka xukuumadda Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo), ayaa si adag uga jawaab adag ka bixiyey dhawaaqa colaad alooska ah ee uu madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya, Cabdiweli Cali Gaas kaga hor-dhawaaqay baarlamaanka Gobolkiisa,siday tabisay wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA.

 

War-saxaafadeedka wasiirku wuxuu u dhignaa sidan:-

“Maamul goboleedka Soomaaliya ee  Garoowe   ee uu ka taliyo Cabdiweli Cali Gaas, ayaa ka hor xaqiijiyey Baarlamaanka gobolkiisa inay ka go’an tahay inuu si  sharciga ka baxsan oo xad-gudub ah duullaan  ugu  qaado gobollo ka mid ah dhulka  Jamhuuriyadda Somaliland ee ku suntan xuduudaha caalamiga ah ee uu ka tagey isticmaarku, isla markaana  hore u   ayideen ururka midnimada afrika shirkoodii  ka dhacay Qaahira  1964kii, isagoo ku andacoonaya  xuduud ku dhisan reernimo, taasi oo haddii si heer caalamiya iyo mid goboleedba wax laga qaban waayo  daandaansiga iyo gardarada Cabdiweli ay horseedi doonto  in  xuduudaha dalalka Afrika aanay  ahaan doonin sida ay maanta yihiin, gaar ahaanna kuwa mandaqada Geeska Afrika.

Cabdiweli Gaas wuxuu fadeexadeeyey oo   ceeb aanay geyin  dusha u saaray dadka reer Sool ee Sheekh iyo shariifba leh, isagoo ku tilmaamay inay yihiin dad mushahar ku beddesha masiirkooda, iyadoo marka  dib loo dhugto  taariikhda ay dadka reer Sool yihiin kuwo door shariif ah kaga jira sooyaalka taariikheed ee xornimo u dirirkii  Soomaalida, gaar ahaan Somaliland iyagoo taas mid la mid ah ka qaatay halgankii dib u dhiska qaranimo iyo difaaca JSL, sidaas awgeed, waxaanu leenahay  dadka xurmada iyo sharafta leh ee reer Sool xaal ka sii deelqaafkaaga joogtada ah,  sidoo kale sidaad ku  sheegtay  maaha dad ciil qabayaal ah ee waa dad gob ah oo aan weligood yeelin wax cid kale ku sandullayso.

Waxa kale oo aanu   u sheegaynaa Cabdiweli Gaas in Laascaanood aanay noqonaynin waqooyiga Gaalkacayo, Buuhoodlena  noqonayn  Qardho, sidaas darteed waxaa u habboon inuu dadkiisa ka daayo beenta iyo beerlaxowsiga uu  kursigiisa ku xejisanayo  ama uu ku sallaxanayo muddo korodhsi ku salaysan marmarsiiyo colaadeed oo ah dagaalka uu kaga dhawaaqay maanta baarlamaanka Garoowe hortiisa.

 

Riyada beenta ah ee maamul-goboleedka Garoowe, waxaanu  kor iyo hoosba ugu bayaaminaynaa, uguna celcelinaynaa in gobollada uu sida gardarada ah ugu taamayaa ay ka mid yihiin, kana mid ahaan doonaan waligood dhulka JSL, Cabdiweli iyo cid kale oo wax ka beddeli karta xuduudahayagana  aanay jirin, annagoo ciidan iyo shacbiba heegan u ah inaanu dacar leefsiino cid kasta oo nagu soo xadgudubta.

 

Ugu dambayn, waxaanu xasuusinaynaa maamulka Garoowe in dawladda Somaliland ay marwalba diyaar u tahay in wada-hadal nabadeed lagu dhammeeyo arrinta u dhexaysa Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo la raacayo qoddobadii hore labada dhinac ugu heshiiyeen ee ka soo baxay shirkii London ee Feberwari 2012kii, qoddobadaasi oo ka fuli waayey dhinaca Soomaaliya, sida “in wadahadallada labada dhinac xuduudahoodu noqdaan   sidii  labadii dal ee ay kala xukumi jireen Ingiriiska iyo Talyaanigu.”  Wixii ka horreeyey 26kii June 1960kii.”