Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo si Ballaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Burco + Sawiro

0
659

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo si Ballaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Burco

 

Burco-15-09-2019-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco iyo magaalooyinka dhinaca galbeed kaga teedsan.

 

Madaxxweynaha iyo weftigiisa oo ku gudo jira maalintii labaad ee safar shaqo oo ay ku marayaan qaar kamid ah gobollada dalka, ayaa maanta gaadhay magaalada Burco, waxana jidadka waaweyn ee magaalada si ballaadhan ugu soo dhaweeyey dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco, kuwaas oo ku lebisan calanka Jamhuuriyadda Somaliland, caleemo qoyanna lulaya, waxana wejiyayadooda ka muuqatay sida ay ugu faraxsan yihiin madaxweynahooda.

 

Qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Burco, ayaa si aan kala hadh lahayn uga qaybgalay soo dhaweynta madaxweyaha iyo weftigiisa, iyada oo hormuudka dhaqanka, maamulka gobolka Togdheer iyo degmada Burco, aqoonyahanka iyo waxgaradka deegaanku madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hortageen dhinaca galbeed ee magaalada Burco gaar ahaan kala karasharka, waxana ay u galbyiyeen dhinaca xarunta jaamacadda Burco oo uu kaga qayb-galay xaflad loo qabtay Arday qalinjebisay Jaamacaddaasi.

Wa-bilaahi Tawfiiq