Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan La Qaatay Dr Cabdiqaadir Aadan Sheekh.

0
56

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan La Qaatay Dr Cabdiqaadir Aadan Sheekh.

Hargeysa-05-04-2024-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Qaabiley  Dr Cabdiqaadir Aadan Sheekh Maxamuud (Jengali) oo ay walaalo yihiin Dr. Maxamed Aadan Sheekh Maxamuud oo ah Dhakhtarka loogu magac daray cusbitaalka daryeelka carruurta ee Maxamed Aadan Sheekh ee loo soo gaabiyo (MAS) ee Hargeysa oo uu marxuumku ku dardaarmay intaanu dhiman 01, October, 2010 in laga dhiso Somaliland, kaasoo  la furay  28, Janaury, 2013-kii ilaa wakhtigana u adeega Caruuraha ka yimaada geyiga Soomaalidu degto odhan.

 

Kulankan oo ay madaxweynaha wakhti wada qaateen Dr Cabdiqaadir Aadan  Sheekh iskana xog-waraysteen arrimo badan ayuu madaxweynuhu uga mahadnaqay doorkii ay ka qoys ahaan ku lahaayeen in la dhiso cusbitaalka Caruurta ee MAS, hirgeliyaana dardaarankii marxuumka oo ahaa shaqsi dun xariira oo kaalin weyn ku lahaa halgankii Shacbiga Somaliland lagu xoreeyey oo uu ka mid ahaa dadkii af iyo qalinba ku difaacay dulmigii iyo gumaadkii xukuumadii keligii taliyihii Siyaad Barre uu ku hayey shacbiga Somaliland.

 

Waxa xusid mudan in kulankan uu madaxweynuhu isku baray wiil iyo abtigii oo kala ahaa Dr Cabdiqaadir Aadan Sheekh iyo Wasiir Saleebaan Cali Koore oo uu abti u yahay Dr Cabdiqaadir.

 

Dhinaca kale Marxuum Dr Maxamed Aadan Sheekh waxa uu ahaa shaqsi taariikh weyn ku leh bulshada ku hadasha Af-Soomaaliga, isagoo dhashay Sannadkii 1936 kuna dhashay degaanka Gallaadi ee gobolka Wardheer, dhakhtarnimadana ku soo bartay  Jaamacadd Rome ee dalka Talyaaniga, isagoo noqday dhakhtarkii u horreeyay ee Soomaali ah ee dadka qala, isagoo 34 jir ahna noqday Wasiirka Caafimaadka ee dawladii la isku odhan jiray Jamhuuriyadii Soomaaliya, Saddex sano ka dibna, isaga oo 37 jir ah, waxa uu noqday Wasiirka Tacliinta Sare.

 

Markuu 38 jir ahaana waxa xidhay dawladii Kacaankii keligii taliye Siyaad Barre, 44 jirkiisiina waxa uu noqday Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, 46 jirkiisiina waxa lagu xidhay jeelkii Labaatan Jirow isagoo ku jiray Lix sano iyo hal sano oo ka danbaysay oo uu xabsi-guri ku jiray.

 

Intaas ka dib waxa uu u dhoofay dhulkii uu aqoonta dhakhtarnimo ka soo bartay ee Talyaaniga, waxaanu ku hawlgalay Shaqadiisii dhakhtarnimo,  sannadkii 1997 ayuu doorasho kaga qaybgalay dalka Talyaaniga isaga oo loo doortay xubin ka mid ah Golaha Dawladda Hoose ee magaalada Torino, Muddo ka dibna uu is kaga baxay oo wuxuu ku noqday dakhtarnimadiisii, isaga oo Agaasimaha Caafimaadka ka noqday cisbitaal ku yaal magaalada Torino, sidoo kale waxa uu madax ka noqday Xarunta Cilmibaadhista Gobolka Piedmont ee dhaqanka Afrika, Maalmihii noloshiisa u danbeysayna wuxuu ku dardaamay in dhakhtar caruureed laga dhiso Caasimada Hargaysa, kaas oo ummaddu u ayday caruuro badana ka heleen adeeg ay u tegi lahaayeen dalka dibediisa.

 

Waxaana kulankaa Madaxweynaha Qaranka iyo Dr Cabdiqaadir ku wehelinaayey Wasiirrada Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ahna Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Horumarinta Biyaha, Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ahna Gudoomiye ku xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Kulmiye, Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti, Amb. Cabdifataax Siciid Axmed, Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdikariim Siciid Aw Cabdi, Agaasimaha Guud Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi dheere) iyo Maxamed Axmed Maxamed Saraye iyo Ibraahim Cismaan Yuusuf Arabay oo la socday Dr Cabdiqaadir.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.