Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Shacabka Iyo Dawladda Jabuuti Ku Hambalyeeyey 44-Guurada Kasoo Wareegtay Maalintii Ay Gobonnimada Qaateen

0
383

HAMBALYO MADAXWEYNE: 27/06/2021

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Shacabka Iyo Dawladda Jabuuti Ku Hambalyeeyey 44-Guurada Kasoo Wareegtay Maalintii Ay Gobonnimada Qaateen

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlayaaya magaciisa iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Dhambaal hambalyo ah u dirayaa dawladda aynu jaarka iyo walaalaha dhaw nahay ee Jamhuuriyada Jabuuti oo ay maanta ku beegnayd Xuska sannad guurada 44-aad ee kasoo wareegtay markii uu dalkaasi xorriyaddiisa ka qaaday waddanka Faransiiska 27-kii bishii Lixaad (June) sannadkii 1977-kii.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu shacabweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ku bogaadiyey xuska sannad-guurada xorriyadooda oo ku beegnayd Maanta oo Axad ah, waxana uu u rajeeyey horumar, bash-bash iyo barwaaqo inay sannadkaa sannadkiisa ku gaadhsiiyo.

Madaxweynuhu waxa uu mar labaad iyo mar saddexaadba ku hambalyaynayaa shacbiga iyo Dawladda Jabuuti xornimada iyo horumarka 44-tan jirsaday ee ay u dabaal-degayaan maanta, waxaanu u rajeynayaa inay sanadkan kiisa ku gaadhaan wadajir iyo horumar.”

ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL