Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo shacbiga iyo eheladii uu ka baxay Marxuum Ganacsade Jaamac Rooble Xirsi tacsi u diray

0
746
TACSI MADAXWEYNE: 17/10/2022.
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ganacsatada Dalka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Jaamac Rooble Xirsi (Jaamac Birqaab) oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu tahay 17/10/2022, dalka UK oo uu xaalad caafimaad u joogay.
 
 
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay dalka iyo dadkaba, door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland.
 
 
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
 
ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.