Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Tacsi u diray Dalka Isi-tagga Imaaraadka Carabta Iyo Shacbi Weynaha Dalkaas ee uu ka Geeriyooday Madaxweynahoodii 

0
333
TACSI MADAXWEYNE: 13/05/2022
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Dhambaal Tacsi ah u dirayaa Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo shacbi-weynaha dalkaasi ee aynu walaalaha-nahay, isagoo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid madaxweynihii dalkaas Marxuum Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan oo maanta oo jimce ah taariikhduna tahay 13/05/2022 geeriyooday.
Madaxweynuhu waxa uu madaxweynaha geeriyooday ku tilmaamay oday siyaasi ruugcadaa ah oo ka baxay guud ahaan Dunida iyo gaar ahaan Dalalka Carabta, isla markaana muddadii uu xilka hayey door laxaad leh ka qaatay dhismaha iyo horumarka dalkiisa, Somalilandna ay ku xasuusan doonto xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee hore uga dhaxayn jiray labada dal iyo labada shacbi ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo intii uu talada hayey dib loo ambo qaaday, kana dhasheen horumarada ka socda dalka Somaliland ee Imaaraadka Carabtu gacanta ku hayo.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo shacbigii uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.