Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo tacsi u diray Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo ku geeriyooday Sucuudiga

0
103

TACSI MADAXWEYNE: 14/11/2023

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Qaranka, ehelladii, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee wasiirkii hore ee Maaliyadda Marxuum Maxamed Xaashi Cilmi oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 14-11-2023 magaalada Riyaad ee Dalka Sucuudi Carabiya.

 

 

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey dhaqaale yahan ka tegey xasuuso badan oo dhinaca dhaqaalaha ah, kana baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay halgamadii kala danbeeyey ee dalka loo soo maray, isagoo ka mid ahaa aas-aasayaashii Ururkii SNM, sidoo kalena qayb ka ahaa nabadayntii shacbiga Somaliland iyo dib u dhiskii Dalka, markii danbena qarankiisa ugu shaqeeyey Xilal ay ka mid ahaayeen Maayarka Caasimada Hargeysa, Wasiirka Wasaaraddaha Ganacsiga iyo Maaliyadda.

 

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qaranka, ehelladi iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

 Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

 

Taariikhda Eng; Maxamed Xaashi Cilmi oo aad u badan awgeed halkan ka akhriso

 

Eng; Maxamed Xaashi Cilmi oo ah shakhsiyad aad loogu yaqaanno hal-adayg wuxuu leeyahay taariikh dheer isagoo ka mid ahaa xubnihii yaraa ee aasaasay jabhaddii SNM ee kaga dhawaaqay magaalada London 6-dii bishii April 1981 . waxaan kula kulmay magaalada hargeysa marar badan oo aan sheekeysanay oo weliba aan wareysiyo kala yeeshay arimo siyaasadeed oo ka taagnaa Somaliland iyo taariikhdiisa qof ahaaneed .

 

Maxamed Xaashi Cilmi wuxuu ii sheegay inuu ku dhashay 1939 magaalada jigjiga oo malcaamada quraanka uu ka bilaabay halkaasi . wuxuu u soo wareegay magaalada hargeysa oo uu waxbarashada dugsiga hoose iyo dhexeba ku dhamaystay, gaar ahaan dugsigii farsamada gacanta ee loo yaqaanay Trade School . wuxuu Maxamed Xaashi waxbarasho u tegay dalka ingiriiska 1957-1960 isagoo shahaadada Diplom sare ku soo qaatay dhismaha , kadibna uu ku soo noqday dalka 1961 oo uu ka hawlgalay wasaaradii hawlaha guud ee magaalada berbera oo uu joogay ilaa iyo 1964 .

 

Eng; Maxamed Xaashi Cilmi wuxuu kadib waxbarasho u tegay jaamicadda Los Angeles ee dalka mareykanka 1964 ilaa iyo 1970-kii isagoo shahaadada Civil Engineering ka soo qaatay jaamicadaasi . wuxuu dabadeed ii sheegay inuu ka mid noqday madaxdii iyo injineeradii wasaaradda hawlaha guud ee somaliya 1970 ilaa 1972 markaasi oo uu iska casilay , una dhoofay dalka sacuudi arabiya oo uu ka aasaasay sharikad dhisme oo gaar ah . wuxuu ii sheegay inuu ka shaqesanaayay dalka sacuudi arabiya ilaa iyo 1981 oo isaga iyo rag kale oo uu ka xusay Cabdisalam Yaasiin , Axmed Ismaaciil Duqsi , iyo Xasan Adan Wadadiid iyo rag kale kaga dhawaaqeen magaalada London Ururkii Dhaqdhaqaaqa wadaniga soomaaliyeed ee SNM 6-dii april 1981 , kadibna ay tageen xarumihii jabhadaasi ee Ethiopia iyo gudaha dalkaba .

 

Eng; Maxamed Xaashi Cilmi wuxuu noqday Xoghayihii maaliyadda ee jabhadii SNM 1982-1986 . wuxuu u tartamay jagada gudoomiyihii SNM shirweynihii balligubadle ee 1990 laakiinse waxaa kaga guuleystay shan cod alla ha u naxariistee gudoomiye Cabdiraxmaan Axmed Cali {Cabdiraxman Tuur }. Wuxuu Maxamed Xaashi Cilmi ka mid ahaa siyaasiyiintii kaga dhawaaqay gooni isutaaga Somaliland shirweynihii beelaha Somaliland ee magaalada burco 18may 1991 , markii ay burburtay dowladii dhexe ee somaliya .

 

Xukuumadii Somaliland ee madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxuu Eng; Maxamed Xaashi Cilmi noqday Duqii magaalada hargeysa 1993 isagoo xilkaa hayay ilaa iyo horaantii 1997, markaasoo uu isu sharaxay jagada madaxweynaha . xukuumadii kale ee madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin wuxuu Eng; Maxamed Xaashi ka noqday sanadkii 2003 wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo wershedaha jagadasii oo uu hayay ilaa iyo sanadkii 2005 .

 

Maxamed Xaashi cilmi siyaasada kama bixin ee markaasi ka bacdi sanadkii 2007 waxaa uu noqday gudoomiye xigeenka kowaad ee urur siyaasadeedkii QARAN ee muranka dhaliyay sharcinimadiisu maadaama uu distoorka Somaliland dhigayo saddex xisbi oo keli ah inay ka jirayaan dalka . xabsiga ayaa loo taxaabay Maxamed Xaashi Cilmi iyo saaxiibadiisa kale ee ay wada aasaaseen ururkii QARAN bishii julay 2007 iyagoo xidhnaa muddo afar bilood ahayd . muddo ka dib waxay sanadkii 2008 ay siyaasiyiintii ururkii QARAN oo uu maxamed Xaashi Cilmi ka mid ahaa ku biireen xisbigii mucaaridka ahaa ee Kulmiye oo ay heshiis awood qaybsi la galeen .

 

Markii uu ku guuleysay xisbiga kulmiye hogaaminta talada Somaliland ee madaxweyne uu noqday Axmed Siilaanyo madaxweyne xigeena Cabdiraxman Zaylici June 2010 waxaa loo magacaabay Eng; Maxamed Xaashi Cilmi jagada wasiirka wasaaradda maaliyada ee Somaliland , taasoo uu hayay ilaa iyo 2012 .

 

Eng; Maxamed Xaashi Cilmi wuxuu taageeray Murashaxiintii xisbiga Kulmiye ololihii doorashadii madaxtooyada ee Somaliland ee 13november 2017 . laakiin intii ka danbeysay marar badan ayuu saxaafadda gudaha siiyay wareysiyo toosin iyo dhaliil ah isagoo lagu yaqaanno qof aan la gabban dhaliisha iyo farta oo uu ku fiiqo musuqmaasuqa madaxda sare iyo hay’adaha dowlada .

 

Maxamed Xaashi Cilmi waxaa dadweynuhu ku amaanaan qorshihii iyo naqshadii uu u dhigay magaalada hargeysa mudadii uu ka ahaa duqa 1993-1997 . si gaar ah waxaa lagu xusaa jidadka iyo magacyada cusub ee xaafadaha ee uu u bixiyay mujaahidiintii SNM sida: Lixle , Maxamuud Haybe , Axmed Dhagax , iyo koodbuur , iyo kuwo kaleba . waxaa kaloo lagu majeertaa Maxamed Xaashi Cilmi siduu cisbitaalka guud ee magaalada hargeysa ugu soo kordhiyay mudadii uu ahaa wasiirka maaliyada mishiino kelyaha lagu sifeeyo , iyo adeegyo kale oo daruuri ah oo uu u qabtay cisbitaalka iyo guud ahaan shaqaalaha dowladda iyo ciidamada somaliland oo uu lahaa fikrado loogu kordhiyay mushaharka.

 

Maxamed Xaashi Cilmi dhacdooyinka aan ku xusuusto waxaa ka mid ah 28july 2007 oo ahayd maalin boliisku isku gadaameen gurigiisa si ay u soo xidhaan siyaasiyiintii urur siyaasadeedkii QARAN ayaa guriga Maxamed Xaashi Cilmi waxaa kaloo iyana difaac ka galay dhallinyaro hubeysnaa oo diidan in la xidho odeyga . warkaasi markii aan ogaaday ayaan toos ula xidhiidhay telifoonka Maxamed Xaashi cilmi , markii uu ii xaqiijiyay warka in lagu wareegsanyahay oo xukuumadu rabto inay xidho oo dhallinyaro hubeysanina diidanyihiin

boliisku inay guriga soo galaan , ayaan maxamed Xaashi Cilmi ku idhi ; “Maxamedow adeer hadda ogow saaxiibadaa Dr; Gaboose iyo Jamaal caydiidba iyagaabaa is geeyay maxkamada hargeysa oo ila soo hadlay “..Maxamed Xaashi cilmi dabadeed wuxuu ii sheegay inuu isna tegaayo maxkamada , wuxuuna u sheegay dhallinyaradii inay iska kala dareeraan , sidaasi ayaanuu ku baajiyay Maxamed Xaashi Cilmi maalintaasi iska hor imaad hubeysan oo sababi gaadhay dhibaato . Maxamed Xaashi Cilmi iyo saaxiibadiisi kale ee Ururkii Qaran waxaa la soo daayay badhtamihii bishii December 2007 kadib markii ay muddo afar billod ahayd ku jireen xabsiga mandheera .

 

Eng ; Maxamed Xaashi Cilmi , professor Cabdisalaam yaasiin , Iyo rag kale oo ay saaxiibo yihiin waxay aasaaseen kulan ay u bixiyeen MADASHA TOOSINTA oo sanadihii danbe ay fikradahooda xaalada dalka somaliland iyo mandiqadaba halkaasi ka dhiibanayeen .

 

QORE : Axmed Saciid Cige .

WARJIRE BOOK