Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo tacsi u diray shacbiga iyo Eheladii uu ka baxay Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka General Jidhif

0
114
TACSI MADAXWEYNE: 14/11/2023
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Qaranka, ehelladii, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka Marxuum Gerneral Maxamed Xasan Cabdillaahi (Jidhif) oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 14-11-2023 caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey taliye waayo arag ah oo door muhiima ka soo qaatay halgamadii kala danbeeyey ee dalka lagu xoreeyey, sidoo kalena qayb ka ahaa nabadayntii shacbiga Somaliland iyo dib u dhiskii dalka iyo ciidanka booliska Somaliland oo uu ka soo noqday Taliye ku xigeen, isagoo markii danbena noqday taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qaranka, qoyskii, ehelladii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.