Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Tacsi u diray Qaranka Somaliland iyo Madaxda Dhaqanka 

0
257

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Tacsi u diray Qaranka Somaliland iyo Madaxda Dhaqanka

TACSI MADAXWEYNE: 14/05/2023

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Chief Caaqil Axmed Cabdi Gaas (Axmed Hoolif) oo ku geeriyooday shalay oo ay taariikhdu ahayd 13/05/2023, Magaalada Yagoori ee Gobolka Sool.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey oday dhaqameed waayo arag ah oo ka baxay dalka iyo dadkaba, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii shacbiga Somaliland iyo dib u dhiskii Dalka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

ALLAA MAHAD LEH

 Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.