Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Chief Caaqil Cabdirisaaq Caqli Axmed Daad

0
388

TACSI MADAXWEYNE: 17/02/2023
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Ciidamada Kala duwan ee Qaranka Somaliland, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, bahda qoraalada, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Chief Caaqil Cabdirisaaq Caqli Axmed Daad oo ku geeriyooday Saaka oo ay taariikhdu ahayd 17/02/2023, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii shacbiga Somaliland iyo dib u dhiskii Dalka, muddooyinkii danbena ka mid ahaa guddida derejo bixinta ciidamada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo marxuumku ka mid ahaan jiray saraakiishii sar-sare ee ciidamadii Jamhuuriyaddii burburtay ee la isku odhan jiray Soomaaliya, waxa xusid mudan inuu marxuumku ahaa taariikh-yahan, cilmi baadhe, qoraa ah oo buuggaag badan qoray kuwana turjumay.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidamada Kala duwan ee Qaranka Somaliland, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, bahda qoraalada, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.