Madaxweynaha Qaranka oo ka Tacsiyadeeyey shacbiga Somaliland iyo eheladii uu ka baxay Wasiir Hore Marxuum Cali Maxamed Xasan (Cali Qoorseef) oo Maanta Hargeysa ku Dhintay 

0
641
TACSI MADAXWEYNE: 08/06/2020
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Maxamed Xasan (Cali Qoorseef) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 08/06/2020, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
 
 
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey muwaadin qaran oo dalka iyo dadkaba wakhtigiisi uga faa’iideeyey soona qabtay xilal kala duwan oo uu ugu danbeeyey wasiirkii Wasaarada Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, kana mid ahaa dadkii ka soo shaqeeyey nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka.
 
 
 
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
 
ALLAA MAHAD LEH
 
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.