Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Shir Gudoonka Guurtida & Wakiilada Iyo Komishankii Hore Ee Doorashooyinka Qaranka + Sawiro

0
539

 Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Shir Gudoonka Guurtida & Wakiilada Iyo Komishankii Hore Ee Doorashooyinka Qaranka

 

Hargeysa-27-11-2019-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan xafiiskiisa kula qaatay guddidii hore ee komishanka doorashooyinka qaranka oo muddo-xileedkoodu dhammaanayo 29-11-2019-ka, waxana madaxweynaha kulanka ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaiil (Saylici) iyo guddoomiyeyaasha goleyaasha guurtida iyo Wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Mudane Baashe Maxamed Faarax.

 

Kulankan dhex maray Madaxweynaha iyo shir-guddoonka goleyaasha guurtida & wakiillada iyo xubnaha Komishankii hore ee doorashooyinka qaranka ayey ujeeddadiisu ahayd is-xogwaraysi la xidhiidha sidii xilkasnimada iyo hufnaanta lahayd ee ay u guteen waajibaadkii qaran ee saarnaa, una qabteen diiwaangelintii cod-bixiyayaasha iyo doorashadii madaxtooyada.

 

Xubnaha Komishankii hore ee Doorashooyinka qaranka, ayaa madaxweynaha iyo shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada uga mahadceliyey kulanka ay la qaateen, waxana ay tilmaameen in   shaqadii ay soo qabteen ahayd  masuuliyaddii loo igmaday  iyo waajibaad qaran oo ay u guteen si Dastuuri ah.

Wa-bilaahi Tawfiiq