Madaxweynaha Somaliland Oo Shacbiga iyo qoyskii uu ka baxay ka tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Ganacsade Xaaji Maxamed Bidhaan oo maanta ku geeriyooday Hargeysa

0
491

TACSI MADAXWEYNE- 02/05/2020
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Maxamed Ismaaciil Cabdi (Bidhaan) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 02/05/2020, caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday qaranka ka baxay kana mid ahaa ganacsatada waa weyn, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.