WAR-SAXAAFADEED.
Qodobbada Ka Soo baxay Fadhigii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ee maanta.
Hargeysa-03-08-2023-(MT-JSL)-Fadhigii 115aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa war-bixin guud oo la xidhiidha amniga Dalka goluhu ka dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane, Maxamed Kaahin Axmed. Waxa kale oo goluhu war-bixin ka dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire oo ka hadlay qodobbo ay ka mid yihiin dhaqaalaha guud ee dalka.
Sidoo kale, goluhu wuxuu lafo-guray doorashooyinka dalka ku soo fool leh iyo sidii Xisbiga Kulmiye ugu diyaar-garoobi lahaa u tartamidda ka mid noqoshada saddexda Xisbi Qaran ee tobanka Sanno ee soo socda iyo u diyaar garowga shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye u qorshaysan 20-Augst-2023 inuu ka qabsoomo Magaalada Burco.
Dhinaca kale, waxa golaha loo qaybiyey qabyo-qoraalka Xeerka Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda Somaliland oo ay soo diyaariyeen Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud, waxaana faah-faahin dheeraada golaha ka siiyey Garyaqaanka Guud.
Ugu danbayn waxa goluhu Dood iyo falanqayn qaadatay laba fadhi ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen Qabyo-qoraalka Xeerka Ilaalinta Xogta Elektarooniga ah (Data Protection ACT), iyadoo loo gudbin doono Golayaasha Sharci-dejinta si ay uga gutaan Shaqadooda Dastuuriga ah.
![](https://madaxtooyadajsl.com/wp-content/uploads/2023/08/1-300x200.jpg)
![](https://madaxtooyadajsl.com/wp-content/uploads/2023/08/2-300x159.jpg)
![](https://madaxtooyadajsl.com/wp-content/uploads/2023/08/3-300x212.jpg)
![](https://madaxtooyadajsl.com/wp-content/uploads/2023/08/4-300x207.jpg)
![](https://madaxtooyadajsl.com/wp-content/uploads/2023/08/831A3225-300x195.jpg)
![](https://madaxtooyadajsl.com/wp-content/uploads/2023/08/831A3228-300x170.jpg)
![](https://madaxtooyadajsl.com/wp-content/uploads/2023/08/831A3232-300x179.jpg)
![](https://madaxtooyadajsl.com/wp-content/uploads/2023/08/831A3236-300x173.jpg)
![](https://madaxtooyadajsl.com/wp-content/uploads/2023/08/831A3240-300x189.jpg)
![](https://madaxtooyadajsl.com/wp-content/uploads/2023/08/831A3243-300x172.jpg)
![](https://madaxtooyadajsl.com/wp-content/uploads/2023/08/831A3251-300x195.jpg)
![](https://madaxtooyadajsl.com/wp-content/uploads/2023/08/831A3254-300x194.jpg)
![](https://madaxtooyadajsl.com/wp-content/uploads/2023/08/831A3258-300x181.jpg)
![](https://madaxtooyadajsl.com/wp-content/uploads/2023/08/831A3263-300x202.jpg)
![](https://madaxtooyadajsl.com/wp-content/uploads/2023/08/831A3266-300x200.jpg)
![](https://madaxtooyadajsl.com/wp-content/uploads/2023/08/831A3269-300x200.jpg)
![](https://madaxtooyadajsl.com/wp-content/uploads/2023/08/831A3287-300x221.jpg)
![](https://madaxtooyadajsl.com/wp-content/uploads/2023/08/831A3309-300x210.jpg)
![](https://madaxtooyadajsl.com/wp-content/uploads/2023/08/831A3322-300x175.jpg)
![](https://madaxtooyadajsl.com/wp-content/uploads/2023/08/831A3323-300x175.jpg)
![](https://madaxtooyadajsl.com/wp-content/uploads/2023/08/831A3325-300x200.jpg)
ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.